Lingua   

Soomalaay dirira

Waayaha Cusub
Lingua: Somalo




Soomalaay diriroo dagaalama
dulqaadkana u yeeshoo
deyrkii dugsoonaa
miyaa amxaaradu degeysaa
gumaystuhu dagayaa
ummaduna dayaysaa

Daa'inkii na umaaa
jihaad noogu deeqoo
duulimaad cadaawoo
waa inaan la dirirnaa
rabigeena dawarshee
waa inaynu dooxnaa
rabigeena dayacee
waa inaan duleynaa
rabigeena doorshee
soomalida dawakhdee
gumaysiga u dirane
rabi damiir ha siiyee

Daafacaada ciidiyo
diinta waa ku dhimanaa
somaalaay

Soomalaay diriroo dagalama
dulqaadkana u yeeshoo
dayrkii dugsoonaa
miyaa amxaaradu dagaysaa
gumaystuhu dagayaa
ummaduna dayaysaa

Waxaan ka diidaa
jidhku ila damqaayaa
dabinada shisheeyaha
waa inaynu diidnaa
gobonimada doonaa

Waa inaan ka dayrnaa
dalkeenana ka dhawrnaa
waa inaan dufeynaa
rabigeenaa duugee

Soomalida dayowdee
amxaarada la duula
rabi damiir ha siyee

Dafaacada ciidiyo
diinta waa ku dhimanaa
soomaalay

Allow yaa lay dagin
darsin xuna lay dhigin
dabkeygana laygu shidin
daabkeygana laygu qalin
jahaad la'aan lay dilin

Duli daran nalala rabo
rabow daayin naga qabo
dayacnaanta naga bii

Marna maaha danteena maaha
in la doorsho umadeena
damiirkuna ma ogola
dareenkuna kaba daran

Hala duulo hala dooxo
dukum daakum hala yeelo
gumaysataha dalka doonay
docna yaan looga hadhin

Soomalaay diriroo dagalama
dulqaadkana u yeeshoo
dayrkii dugsoonaa
miyaa amxaaradu dagaysaa
gumaystuhu dagayaa



Pagina principale CCG

Segnalate eventuali errori nei testi o nei commenti a antiwarsongs@gmail.com




hosted by inventati.org