Lingua   

Dhib iyo qaxar

Waayaha Cusub
Lingua: Somalo




Anigoon maryaha xiran aqoon oon martabad gaarin
Ayuunbaa murtidu igu duxdiyo mooshinkii gabaye
Mowlaha ilaahbaa I baray kala macnayntiise
Marba xaaladdii taaganbaan miro ka taabtaaye
Maantana tixdaanaa cusube mahad Allee hooya.

Mahuraanka soomaali waa miro walaallaaye
Maariinka midabkeenu waa muunad gooniya,e
Diintuna midweeyoo islaan miiran baan nahaye
Mujrim kuma jiriyo gaal harkii macatab qaataaye
Waa wada maxaafidul qur`aan miro yar mooyaane
Hayeeshee madmadow baa kujira muumin nimadeene
Mawaafaqadi baa naga dhuntiyo maqalki fiicnaaye
Maskaxdeeni baa laga masaxay inaan midownaaye
Iminkiyo markii aan dhashoo magaca laydooray
Soomaali waa muransanayd maalin iyo layle
Miyi iyo magaalaba dhibbaa meelkastaba yiile.

Inaan maamul wada jira dhisnoo meel iskugu guurno
Mabda eedibaa inaka maqan inaan midownaaye
Haddaan mowqifleenahay inbadan milic majoogneene
Maslaxaddeena kama tuugsaneen gaal muraaddalehe
Males iyo Siyaas uma tasheen toban mataanaaye
Muqdishiyo hargaysaan waqood kala maqnaadeene
Kii maxasta laayaan noqdeen mudane reerroode
Mishin laguma fuliyeen raggii magaca waynaaye
Miinadu maleyseen caruur loo fasaxay meelle
Madfacuna quraac uma noqdeen maato taag darane
Waxaa miigo loo xiri lahaa muumin kii dilaye.

Mooryaan makala qaybsateen maal dadleeyahay,e
Markay soo marqaamaan marduuf uma dilleen ruuxe
Mijin qaadda awgeed qofnool baas ma mariyeene
Midnimadu inay wacantahaan idin muhiim siine
Haddii aan martabad leenihiyo maamul talinaaya
Intaasoo mushkiladdood miyaa dhici lahaa maanta?



Pagina principale CCG

Segnalate eventuali errori nei testi o nei commenti a antiwarsongs@gmail.com




hosted by inventati.org