Lingua   

Dadka yaa xasuuqay

Waayaha Cusub
Lingua: Somalo




Dadka yaa xasuuqay
dalkii yaa haleeyay
dumarkii dhibtooday
aafo yaa ku daaray
dibna yaa u dooxay
diintii ilaahiyo
nimaan damiir lahaynbaa
xeerkii daboolnaa
dariiqii ka boodoo
durduraaya godobtiyo
iska daaqa dulmigiyo
danbigiisu intuu yahay
dalacaad ku gaaree
diintii ilaahiyo
nimaan damiir lahaynbaa
xeerkii daboolnaa
dariiqii kaboodoo
dalacaad kugaaree

Dalka xiray dalka xiray
duqowdiyo cuqaashana
dabinkiisa kama dhigan
daqarkiisu intuu dilay
soo maqiran dacwadeeda
markuu rabo inuu duulo
ama dooxo bulshadeena
duqowdiyo cuqaashiyo
inta keena daarihiisa
oraah dadban uma saro
dacdarada qabiilkiyo
inuu yahay daacigooda
u istaagay danahooda
uga yimid dibadaha
dacwadiisa kuma jaro
duqoduna aragtiday
rutii maleh dareen adag
darmaanadii nolashoodu
daryeelkoodu uga darnaa
soo madhicin goobta dirir
isagana dahab iyo
uga fiican duunyadaba
ma dareemo waxii dhacay
kuwuu dhalay dibadaha
sooma dagin qaarad kale

Dadka yaa xasuuqay
dalkii yaa haleeyay
dumarkii dhibtooday
aafo yaa ku daaray ?
dibna yaa u dooxay ?
diintii ilaahiyo
nimaan damiir lahaynbaa
xeerkii daboolnaa
dariiqii ka boodoo
durduraaya godobtiyo
iska daaqa dulmigiyo
danbigiisu intuu yahay
dalacaad ku gaaree
diintii ilaahiyo
nimaan damiir lahaynbaa
xeerkii daboolnaa
dariiqii kaboodoo
dalacaad kugaaree



Pagina principale CCG

Segnalate eventuali errori nei testi o nei commenti a antiwarsongs@gmail.com




hosted by inventati.org